Ciwaanka VI ee Xeerka Xuquuqda Madaniga ee 1964 wuxuu ilaaliyaa dadka leh Aqoonta Ingiriisiga xaddidan. Ciwaanka VI wuxuu u baahan yahay wakaaladaha dawlada Maraykanka iyo ururada gobolka ama kuwa maxaliga ah ee lacagta ka hela dawlada Maraykanka inay qaadaan tillaabooyin macquul ah (tusaale: adeegsiga turjubaan ama xubin shaqaale laba luuqadle ah) marka la caawinayo dadka aqoonta Ingiriisiga xadidan.